Shabaab oo weeraray saldhig Ciidan

Balcad-RisaalaFM- Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday saldhig Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaan u dhow Degmada Balcad ee goboolka Shabeellaha Dhexe.

Fariisinka Ciidanka Dowladda ee weerarka lagu qaaday ayaa si gaar ah waxa uu ugu yaallaa wadada xiriirisa Balcad iyo Degmada Afgooye, gaar ahaan wadada loo yaqaan Basra, dhanka Xigta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegay weerarkan inay ku dileen 6 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay sheegteen inay furteen hub ciidankaasi ay lahaayeen, kadib qoraal ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan.

Xoogaga Shabaabka waxay kaloo sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degaanka ay weerarka ku qaadeen, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen saldhigan la weeraray in ay ku sugnaayeen ciidan aanan sidaasi u badneyn oo Militariga ka tirsanaa, kuwaasi oo markii dagaalka uu bilowday intoodii badneyd meesha isaga cararay.