Yaya Toure ayaa ugu dambeyn kusoo laabtay kubadda cagta kadib markii uu heshiis la gaaaray kooxda Olympiakos.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku biiray kooxdan ka dib markii uu dhacay heshiiskiisii Man City dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Sideed sanno oo uuu ku qaatay waqooyiga galbeed England wuxuu ku guuleystay seddex horyaal oo Premier League ah.
Waxaa la ogsoon yahay in ciyaaryahanka reer Ivory Coast uu doonayay inuu sii joogo England si uu ula midoobo tababare Manuel Pellegrini oo hogaamiya West Ham, laakiin heshiis ayaa fashilmay.
Wargeysyada ayaa kiciyay toddobaadkii hore mustaqbalka Toure kadib markii wakiilkiisa Dimitry Seluk ku dhawaaqay inuu tijaabada caafimaadka ku maray London.
Si kastaba ha ahaatee, si deg deg ah ayuu ugu dhaqaaqay caasimadda Giriigga, isagoo ku biiray kooxda Olympiakos.



