Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlada Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa warbaahinta u sheegay in 10-ka bishan aan guda jirno ee April uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 8aad ee kulanka Golaha Shacabka waqtigiisa ka harsan yahay mudada afarta bilood.
Maxamed Sheekh Cusman ayaa shaaciyey in beri oo ay taariikhdu ku began tahay 5-ta bishan ay dhacidoonaan kulamo u dhaxeeye Gudiga joogtada Baarlamaanka.
Gudoomiye Jawaari ayaa ugu baaq Mudanayaasha inay soo Xaadiraan islamarkaan ay waqti ilaalinayaan,waxaa uuna ka codsaday in ugu dambeyn ay soo xaadiraan 10 Bisha April markaasoo uu furmidoono kala kalafadhiga 8aad
“Waxaa dhamaan Xubnaha Guddiyada joogtada ee golasha shacabka ku wargelinayaa inay ka soo qeyb galaan Fadhiga koowaad ee kalfadhiga 8aad oo ay 5-ta bishan April oo ah maalinta Talaadada ay ku yeelan doonaan xarunta Guddoonka, si ay u dejiyaan qorshihii uu ku howl geli lahaa Baarlamaanka”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.


