Xaasaska Al-shabaab oo laga saarayo degaanada Jubbaland

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa Warbaahinta u sheegay in Jubbaland aysan u dulqaadan doonin in xaasaska Al-Shabaab ay ku sugnaadaan degaanada maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab xaasaskooda ay u gudbiyaan Xogta ,islamarkaana jubbaland ay tilaabo ka qaadi doonto haweenka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Jubbaland ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay Al-Shabaab ku haayaan.

Janaan ayaa sheegay iney ka war hayaan in Al-shabaab ay usoo dhuuntaan xaafadahooda kadibna ay dhib ka geystaan  degmooyinka maamulka Jubbaland