Xaalada Magaalada Garoowe oo degan

Xaalada Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa saakay degan ka dib markii ciidamo hubeysan ay la wareegeen qeybo ka mid ah magaalada Garoowe.

Goobaha ay shalay ciidamadu la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Bankiga dhexe ee magaalada Garoowe iyo sidoo kale goobo ku dhow madaxtooyada maamulka Puntland.

Ciidamada Nabad sugida Puntland ayaa la wareegay bangiga Dhexe ee Garoowe iyaga oo ka cabanaya mushaarka oo ka maqnaa muddo toddoba bilood ah sida ay Risaala u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.

Ka dib waan waan ay galeen waxgaradka maagaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa lagu guuleeystay in laga saaro ciidankii la wareegay Bankiga.

Ciidanka ayaa la sheegaya in ay dib ugu laabteen saldhigii ay ka yimaadeen , ayna baneeyeen Bankiga Dhexe ee magaalada Garoowe,