Weriye Abdikarim Abdirahman Hersi oo la kulmay Hanjabaad dil ah

Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska ayaa la sheegay inay dil ugu hanjabeen suxufi Abdikarim Abdirahman Hersi oo ka mid ah weriyeyaasha hormuudka ka ah difaaca xuquuqda saxaafadda.

Suxufigan ayaa loo sheegay inuu joojiyo dhaq dhaqaaqyada uu wado, gaar ahaan kuwa la xiriira diidmada xeerka saxaafadda iyo warbixinada uu ka diyaariyo tacadiyada lagula kaco dadka nugul ee bulshada, kuwaas oo uu marar kala duwan si geesinimo leh u soo bandhigay.

Abdikarim Abdirahman Hersi ayaa sidoo kale dhawaan ka qeyb galay kulan baroordiiq ah oo loo sameeyay suxufi Mohamed Isa Koona, kaas oo lagu dilay magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa ka dhacay Hotel Decale, waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Dhanka kale, Abdikarim Abdirahman Hersi waxa uu ka mid ahaa weriyeyaasha si cad uga soo horjeestay xeerka qasabka ah ee saxaafadda, kaas oo ay diideen ururada warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka.

Xeerkan ayaa si weyn uga hor imaanaya madaxbannaanida warbaahinta Soomaaliyeed, taas oo horey ugu shaqeynaysay xaalado adag, isla markaana sababtay in suxufiyiin badan ay shaqada joojiyaan ama ay dalka ka baxaan cabsi darteed.

Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa xaaladda adag ee ay wajahayaan suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha xasaasiga ah iyo xaqiiqo raadinta.