Weerar Mindi loo adeegsaday oo Jermalka ka dhacay

Nin mindi warfinaya ayaa nin ku dilay saddex kalana ku dhaawacay galbeedka Munich.

Booliiska ayaa baaraya bal in dhacdadani ay wax xiriir ah la leedahay Islaamiyiin.

Ninkii falkan gaystay ayaa weeraray dad marayay boosteejada tareenka ee Grafing, mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayay xaaladdiisu aad u liidataa.

Booliiska ayaa markii dambe ka awood badiyay ninkii weerarka gaystay kaddibna xiray.

Qaar ka mid ah dadkii goob joogeyaasha ahaa ayaa sheegay in uu ku qaylyayay “Allaahu akbar”, laakiin ma cadda sababta uu weerarkaasi u gaystay.

Duqa magaalada Grafing ayaa Sueddeutsche Zeitung u sheegay in qofka laga shakisanyahay uu yahay muwaadin Jermal ah.

Khadadka tareenada ayuu dib u dhac ku yimid dhacdadan darteed.