Waxa Ka Ogow Ciyaarta Galabta ee Somalia iyo Zimbabwe

Galabta ayaa la filayaa in Magalada Harare e dalka Zimbabwe ay Ciyaar xiiso badan ku dhexmarto Ciyaaryahano ka tirsan Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa dalka Zimbabwe Ciyaartaas oo ka tirsan is reeb reebka Koobka Aduunka ee 2022 Lagu qaban doono dalka  Qatar.

Ciyaarta Galabta oo ka xiiso badan Ciyaariyihii hore ayaa waxaa haatan Magalada Harare ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay, iyada oo Dhalinyaro farabadan oo taageero u ah Xulka Soomaaliya kana ambabaxay dalka Koonfur Afrika ay gaareen dalka Zimbabwe.

Dhawaan ayaa Xulalka Soomaaliya iyo Zimbabwe waxaa ay Ciyaar xiiso laheyd ay ku dhexmartay dalka Jabuuti, iyada oo Ciyaartaas ay Soomaaliya uga badisay Xulka Zimbabwe 1-0,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay aad u soo dhaweeyeen guusha Xulka Qaranka Soomaaliya.