Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Wasaarada Maaliyadda iyo ganacsatada gobolka banaadir.
Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaliyo wadashaqeyna ay dhex marto Wasaarada Maaliyadda iyo ganacsatada gobolka banaadir.
Waxa uu tilmaamay in aysan cadeyn deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ilaa iyo hada.
Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada loogu baahan yahay iney si siman Canshuurta ugu qaado dhamaan ganacsatada dalka.
Waxa uu sheegay in wasaarada Maaliyadda aysan xaq u lahayn in ganacsatada gobolka banaadir keliya canshuur ka qaado.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in canshuurta Iibka ee lagu soo rogay ganacsatada loo wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir, si adeegyada bulshada ugu fuliyo.
Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa shalay sameeyay shaqo joojin, iyadoo la xiray Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana Ganacsatada ka cabanayaan canshuurta Iibka ee lagu soo rogay alaabta laga soo dejiyo Dekeda oo ay sheegeen in laga qaado ka hor inta aanay goobaha ganacsiga geyn, taasna ay khasaare ku tahay.



