Wariye lagu xiray Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay xabsiga dhigeen Wariye Axmed Khaliif Geedi oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgalla Gaalkacyo.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo Axmed Khaliif Geedi hadda waxaa uu ka tirsanaa Tv-ga lagu Magacaabo RTN.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay wariyaha ku heystaan War uu dhawaan baahiyay oo ku saabsanaa Isbaarooyin la dhigtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale degmada Galinsoor.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net