Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan rabshado xooggan oo maanta ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada ayaa waxa sheegayaan in hadda ay xaaladdu degan tahay, islamarkaana Magaalada inta badan qabsadeen ciidamada Dowladda Dhexe ee dowladda Itoobiya.
Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay rabashaddaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 50 ruux.
Jabhadda ONLF ayaa waxa ay markii ugu horreysay ka hadashay qaska iyo jahwareerka ka taagan magaalada Jigjiga.
Afhayeenka guud ee Jabhadda ONLF Abdulqadir Hassan Hirmooge Caddaani ayaa dhaliilay faragalinta ciidamada fedaralka ee degaanka.
Mr Hirmooge ayaa ku baaqay in la joojiyo faragalinta ciidamada fedaraalka Itoobiya.
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay in shacabka magaalada Jigjiga dhibaato badan loo gaystay.
Wasiirka warfaafinta ee dowladda degaanka Soomaalida itoobiya Idiriis Ismaaciil Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu nabad qabo.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu ku sugan yahay Magaalada, islamarkaana uu la socdo dibka loo geysanaayo shacabka.
Saaka ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Fedaraalka Itoobiya ay la wareegeen xarunta baarlamaanka iyo goobo kale oo muhim ah oo ku yaalla magaalaad Jigjiga



