Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta wafdi ka socda maamulka Puntland aya gaareen deegaankaasi.
Deegaanka Garacad ayaa waxa uu ka mid yahay deegaanadii ay dhowaan ku dagaalameen ururka Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Puntland, iyadoo hada ay deegaankaasi gacanta ku hayaan maamulka Puntland.
Wafdiga maanta gaaray Garacad ayaa waxaa la sheegay in ay soo indha indheynayeen qaabkii ciidamada maamulka Puntland halkaasi looga dhisi lahaa Talisyo ciidan oo waaweyn,kuwaas oo la sheegay in ay fariisamo u noqon doonaan Ciidamada Badda maamulka Puntland iyo kuwa berriga ee Daraawiishta.
Wafdiga dowladda ka socda ee Garacad gaaray ayaa waxaa hogaaminayay Wasiiru dowlaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr C/raxmaan Aw-jaamac Kulmiye, waxaana ka mid ah Agaasimaha ciidanka badda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xassan, iyo Admiralka Ciidanka Badda Puntland.


