Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa xilligaan laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashada Madaxweynenimo ee la filayo in dhamaadka Bisha soo socota ee Agoosto ay halkaasi ka dhacdo.
Dhaq dhaqaaqyada ugu badan ayaa waxaa wada Madaxweynaha Jubbaland oo markale doonaya in uu xilka qabto iyo musharixiinta la Magac baxay isbeddel-doonka,kuwaas oo dhaliilsan sida uu wax u wado Madaxweyne Axmed Madoobe.
Hayeeshee ay u muuqataa in cabashada ka imaaneysa musharixiinta Jubbaland oo ay Axmed Madoobe ku eedeeyeen in uu smeysatay guddiga doorashada,isla markaana aysan ku qanacsaneyn aan dheg jalaq loo siin,waxaana jira musharixiin is diiwaan geliyay oo uu Axmed madoobe ka mid yahay.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa tira laba jeer ah soo saartay warar la xiriira doorashada Jubbaland,balse wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulkaas ay sheegtay in doorashada ay iyaga u madax bannaan yihiin.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maalmaha soo socda la filayo in Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay gaaraan Saraakiil ka socota Ciidamada Itoobiya si ay ula kulmaan Madaxweynaha Jubbaland.
Warar kal hore soo baxay ayaa sheegayay in saraakiishaas ay horay Madaxweynaha Jubbaland uga dalbadeen in ay kula kulmaan Addis Ababa ama Nairobi balse uu ka codsaday inay Kismaayo tagaan sidaasina ku tagayaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa tira ka dhowr jeer ah waxaa uu ku cel celiyay in doorashada Maamulka Jubbaland uu u madax banaan yahay,isla markaana amniga ay iyaga sugi doonaan halka dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay diirweyn ku yeelato



