Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya xaafada Suuq- Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah halkaasi lagu dilay Nin Oday ahaa oo si weyn looga yaqiinay Degmadaasi, sida ay sheegeen dadka Degaanka.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ninkaasi Odayga ahaa ay ku dileen xaafada Suuq Bacaad, iyagaoo Rasaas ka huwiyay qeybta sare ee jirkiisa, kadibna goobta ayay ka baxsadeen.
Dadka Degaanka ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen Odayga la dilay in lagu magacaabi jiray Cabdulle Xasan.
Intaasi kadib goobta waxaa gaaray Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka ninka Odayga ahaa, iyaga oo sidoo kale caawa Howlgallo ka wada xaafadaha Degmada Yaaqshiid gaar ahaaan goobta uu dilka ka dhacay.
Wararka qaar oo ay heleyso Radio Risaala ayaa sheegaya in Marxuum Cabdulle Xasan uu ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ka dhacayay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.


