Baay-RisaalaFM- Degaanka Goof-gaduud Baarey oo 30-KM ujira Magaalda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maata waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdigan ayaa waxa ay isugu jiraan Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, Saraakiil Ciidan iyo xubno oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Ujeedka wafdigan ay u gaareen Degaankaasi ayaa waxa ay tahay sdii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaalada Degaanka Goof-gaduud oo shalay uu ka dhacay Dagaal culus.
Mas’uuliyiintan ayaa markii ay gaareen Degaankaasi waxa ay kormeereen Jiidaha Dagaalka uu ka dhacay iyo xarumaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Qaar ka ka mid ah Mas’uuliyiinta halkaasi gaartay oo goobta ka hadlay ayaa Ciidanka ku dhiira geliyay qaabka ay u gudanayaan waajibaadkooda.
Ugu dambeyntii Mas’uuliyiintan ayaa Ciidanka ku dhiira geliyay in ay sii wadaan Howlgallada Shabaab looga saarayo Degaanada iyo Degmooyinka ay ka joogaan Koonfur Galbeed.


