Xaaladda Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa degan saakay sida idaacadda Risaala ay u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Ciidamadii Shalay Magaalada ku dagaallamay ayaa xalay kuwada hoyday Magaalada , waxaana wali taagan Cabsi weyn oo ah in markale uu dagaal halkaasi dib uga qarxo.
Waxgaradka degmada Buuhoodle ayaa wadda dhexdhaxaadinta Maleeshiyaadkii Shalay ku dagaallamay Magaaladaasi oo kala taageersanaa khaatuma iyo Somaliland.
Dadka Shacabka ah ayaa wali wadda Barakac ,maadaama wali Magaalada laga dareemaayo saansaan colaadeed.
Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Buuhoodle waxaa ku dhintay 11 qof ,halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof oo isugu jira Shacab iyo Maleeshiyaadkii dagaallamay.



