USA-RisaalaFM- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarkii uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan.
Lixda wadan ee horay xayiraada dhanka safararka ah loo saaray ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Suudaan, Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga saaray Suudaan, iyada oo lagu soo daray wadamada Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela,
Xayiraadda cusub ee socdaalka oo uu saaray Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay dhaqangaleysaa 18-ka October.
“Madaxweyne ahaan, waa inaan u dhaq dhaqaaqaa ilaalinta amniga iyo danaha Mareykanka iyo dadkiisa, ilaalinta amniga waa mudnaanta koowaad, si taasi loo gaaro waa in uu yimaadaa isbedel.” Ayuu yiri Donald Trump oo hadal ka soo saaray.
Saraakiisha ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagaan xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale.
Ku dhawaaqista go’aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarkii uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in ay Mareykanka galaan.
Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah ajandayaasha foosha xun ee kooxaha caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.