Dagaalku u dhaxeeya ciyaartooyda u tartameysa abaalmarinta gooldhalinta koobka adduunka ayaa meel sare maraya, iyadoo Harry Kane uu isku dayayo inuu sii wado qaab ciyareedkiisa gooldhalinta leh.
Xiddiga England Harry Kane ayaa hogaaminaya tartanka gooldhalinta Koobka Adduunka, isagoo ka sareeya Romelu Lukaku iyo xiddiga Portugal Cristiano Ronaldo.
Maalintii ugu dambeysay wareega group-yada, Kane iyo Lukaku ma aysan helin fursad ay ku dheereystaan hogaaminta golashooda madaama labaduba la nasiyay.
Tababaraha xulka England Gareth Southgate iyo dhiggiisa Belgium Roberto Martinez ayaa xushay safkooda labaad kulankii ka dhacay Kaliningrad.
Ronaldo ayaa sidoo kale ku dhawaaday inuu hogaanka la qabto Kane inkastoo uu ka beeniyay rigooradii uu kula sinmi lahaa goolhayah Qaranka Iran.
Kane ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee shan gool ka dhaliyay koobka adduunka, weeraryahanka Tottenham ayaa seddexleey ka dhalliyay Panama isagoo sidookale kulankii furitaanka Tunisia ay ku wajaheen laba gool kale ka dhaliyay.
Ku biirista xulkiisa wuxuu muhiim u noqon karaa rajada England kaga soo baxayaan wareega 16ka marka ay wajahayaan xulka Colombia.
Dhinaca ROMELU Lukaku ayaa fursad u heysta inuu mar kale ku soo laabto xulkiisa kulanka ay Rostov- Belgium ku wajahayaan Japan oo si ciriiri ah kaga soo baxay Group-kjiisa.
Labada ciyaaryahan ee seddexda gool ka dhaliyay tartanka koobka adduunka ee Diego Costa iyo Denis Cheryshev ayaa sidookale ku dagaalami doona marxalada xulalkooda ugu gudbayaan wareega 8da, iyadoo Spain ay la ciyaari doonto Russia beri oo axad ah.
Seddex ciyaaryahan ee min labada gool ka dhaliyey tartankan, laba kamid ah waa daafac dhexe.
John Stones oo England u dhashay iyo Jerry Mina oo Colombia ah ayaa wali sii wadi kara dadaalkooda dhalinta, inkastoo labadooda xul ay isku dhaceen.
weeraryahanka Russia Artem Dzyuba, labada ciyaaryahan ee Barcelona Philippe Coutinho iyo Luis Suarez ayaa sidookale min laba gool ka dhaliyay tartankan.



