Taliyihii Guutada 18aad ee Gorgor oo geeriyooyady

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya dagaal culus uu maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Jeex jeex iyo Caad  ee Koofurta  gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka  iyo kuwa degaanka oo isku dhinac ah iyo Alshabaab .

Dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii Guutada 18,aad ee ciidanka Gorgor Cabdi Maxamed Suulnuuge .

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug uu geystay  khasaaro xooggan oo labada dhinac kala gaaray, waxaana adag in si dhab ah loo ogaado khasaaraha soo gaaray Xubnaha Alshabaab ee la dagaalamay Ciidanka Xoogda dalka iyo kuea degaanka.

Taliye Suulnuuge ayaa ka qayb galay dagaalo ka dhacay degaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle.