Tababare Joachim Low oo heshiis cusub u saxiixay xulka Jarmalka

Germany coach Joachim Loew looks on from the sidelines during the Euro 2016 Group C soccer match between Germany and Poland at the Stade de France in Saint-Denis, north of Paris, France, Thursday, June 16, 2016. (AP Photo/Martin Meissner) ORG XMIT: PW173

Tababaraha guusha u saaxiibka ah Joachim Low ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis kale oo dheer taasi oo ka dhigan inuusan xulka Jarmalka meelna kaga soconin.

Joachim Low ayaa saxiixay heshiis gaaray 2022 taasi oo ka dhigan inuu xulka Jarmalka sii hogaamin doono ilaa koobka aduunka dambe ee dalka Qatar marti galinayaan marka uu idlaado.

Joachim Low ayaa sanadii 2006 xulka Jarmalka hogaamintiisa Jurgen Klinsman kala wareegay wuxuuna ka caawiyay Jarmalka inay ku guuleestaan koobkii aduunka 2014.

Macalinkan qabiirka ah hadda wuxuu ku mashquulsan yahay soo xulashada cayaartooyda Jarmalka u matali doonaan koobka aduunka xagaagan ee dalka Russia lagu qabanaayo ayaagoon ah horyaalka aduunka.