Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Kuwait, kadib weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drone) loo adeegsaday oo lagu beegsaday dhulka dalkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si adag u cambaareyneyso weerarradaas, iyadoo ku tilmaamtay kuwo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka Khaliijka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay taageeradeeda hagar la’aanta ah ee ku aaddan amniga, xasilloonida, horumarka iyo madaxbannaanida dhuleed ee Dowladda Kuwait, iyadoo xustay in falalka noocan ah ay ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Kuwait xilligan adag, isla markaana ay ku baaqeyso in la xoojiyo wada-hadallada diblomaasiyadeed, is-xakameynta iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka, iyadoo ku baaqday in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta sii hurinta xiisadaha jira.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka ka jiraan xiisado amni iyo walaac isa soo taraya oo la xiriira weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo dalal ku yaalla Khaliijka.



