Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa laga sii daayay 15 ruux oo Soomaali ah kuwaa soo habeeno ka hor ay xireen ciidanka ammaanka Magaalada Qaahiro ee Caasimada dalka Masar.
Ciidanka ammaanka ayaa dadkaasi waxa ay kasoo qabtay gudaha Magaalada Qaahira , waxaana ay ku eedeeyeen in ay si sharci daro ah ay ku joogeen dalka Masar.
Dadka laga sii siidaayay Xabsiyada dalka Masar ayaa la sheegaya in qaarkood ay ahaayeen arday wax ka baran jirtay Jaamacadaha dalka Masar.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar oo dadaal dheer ku bixiyay sii deynta dadkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ciidanka Booliska ay u geeyeen aqoonsiyadii ay ku joogeen dalka Masar dadkaasi.
Ciidamka ammaanka ayaa ku eedeeyay in dadkaasi qaarkood ay isku diyaarinaayeen in ay ka baxaan Magaalada Qaahira , si ay u tahriibaan.
Xabsiyada dalka Masar ayaa waxaa ku xiran dad badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ciidamada ammaanka ay qabteen, xilli ay isku dayayeen inay ka tahriibaan dalkaasi.
Ciidanka ammaanka dalka Masar ayaa inta badan waxa ay sameeyaan howgallo lagu soo qab qabanaayo dadka sharci darada ku jooga dalka Masar oo ay Soomaalidu ka mid yihiin.


