Shirkii u dhexmari lahaa beesha Caalamka iyo maamulada oo baaqday

Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay inuu baaqday shirkii loo balansanaa ee dhex mari lahaa Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+.

Wasiirka arimaha Gudaha Puntlaan, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay is hortaagtay shir lagu waday in uu furmo galbta, ka dib markii ay ka baaqsadeen qaar ka Mida Maamul Goboleedyada.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in tani tahay carqaladeynta dadaallada la doonaayo in dalka ay uga dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis ku saaray Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed oo uu saaka kula shiray Afisyooni in aysan ka qeyb gelin shirkaas, balse uu taa bedelkeed u soo jeediyay inay is arkaan shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed oo qudha.