Shabaab oo weeraray degaano ku dhow Dhuusamareeb

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday degaano ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug iyo Tuullada lagu Magacaabo Ceeldheere.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay beegsadeen gaadiid marayay wadada oo kusii jeeday Magaalada Dhuusamareeb.

Tuulada weerarku ka dhacay ayaa lagu Magacabaa Xaayow.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay Saddex ruux oo dadka degaanka waxaana sidoo kale lagu gubay gaadiid ay wateen dadka.

Ciidanka dowladda eek u sugan deganadaasi ayaa bilaabay bilihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.