SAWIRRO: RW Kheyre oo gaaray Baraawe

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

U jeedka uu u tagay Baraawe ayaa lagu sheegay in tahay bilaabinta howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Magaalada Baraawe Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre.