Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar aqoon kororsi ah ugu maqnaa dalka Ingiriiska.
Garoomada Diyaaradaha ee London, Manchester iyo Brigham ayey tababaro kusoo qaateen iyaga bartay sida loo hubiyo dukumintiyada iyo hababka Socdaalka.
Saraakiishan ayaa aqoonta ay soo barteen waxa ay uga faa’ideyn doonaan saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha ee aan fursadda u helin inay ka qeyb galaan aqoon kororsigaasi.
Tabbarkan ay sarakiisha ku tageen Yurub ayaa noqonaya tababarkii 3-aad ee saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ku tagaan dalalka dunida ugu hormarsan waxana tababarkan Ingiriiska ka horeeyay tababaro kale oo lagu qabtay Norway iyo Denmark.
23-kii bishan ayay saraakiishan u amba baxeen dalka Ingiriiska, kuwaasi oo tababar aqoon kororsi ah ku soo qaatay Garoomada Diyaaradaha dalka Ingiriiska.




