Saddex Kooxood ku tartamya Ciyaaryahan Jacob Bruun

Kooxaha Premier league ee Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa ku tartamaya xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Jacob Bruun-Larsen kaas oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay soo jiitay indhaha kooxaha waa wayn ee Ingiriiska.

Sida uu shaaciyay wargayska Daily Mirror, kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa ku tartamaya saxiixa da’yarka kooxda Dortmund ee Jacob Bruun-Larsen.

Madixii shaqaalaysiinta kooxda Arsenal ee Sven Mislintat ayaa maamulka Emirates Stadium kulataliyay in ay la soo saxiixdaan 20 sano jirka kooxda Dortmund isku soo muujiyay ee Jacob BruunLarsen.

Jurgen Klopp ayaa isna ka war hayay horumarka uu sameeyay da’yarkan reer Denmark ee JacobBruun-Larsen wuxuuna xiiso u hayaa sidii uu Liverpool u keeni lahaa balse waxaa jira tartan uukala kulmayo kooxaha waa wayn ee Premier league.