Roobab Dabeeylo wata oo ka da’ay Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya gobolka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in roobab khasaare kala duwan geystay ay xalay ka da’een degmada Matabaan  iyo sidoo kale   tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi.

Maamulka degmada Matabaan oo ay la xariirtay idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay in xoolo badan  ay ku dhinteen roobabka saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmada Matabaan iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada.

Deegaanada uu roobku ka da’ay ayaa lagu soo waramaya in ay ka jireen abaaro baahsan oo sameyn weyn ku sheegay dadka iyo duunyada.

mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlusunna ayaa warbaahinta u sheegay in roobabka ay wateen dabeylo xoogan.

Roobabka ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay ku burburiyeen  ku dhawaad 25 Guri.