Real Madrid & Bale oo Markale isku dhacay

Gareth Bale ayaa qaatay mar kale go,aaan uu kaga tago Real Madrid, iyadoo Zidane uu uga digay shaqaalaha caafimaadka dhaawaca badan ee ciyaaryahanka.

Zidane wuxuu amar ku siiyay wakiilka Bale Jonathan Barnett inuu raadsado ka tagista Santiago Bernabeu marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Xiddiga reer Wales ayaa doonaya dhankiisa inuu ka tago Los Blancos sabab la xiriirta inuusan isagu dareemeyn inuu yahay xiddig uu ku kalsoon yahay tababaraha.

Ma dhici karto in koox yurub ah ay bixiso 17 milyan euro oo ah mushaarkiisa oo ay ka baxsan tahay canshuurta si ay ula wareegaan xiddiga Real Madrid Bale sabab la xiriirta rikoorkiisa dhaawaca

Bale ayaa ciyaaray kaliya 53 boqolkiiba kulamadii Real Madrid lixdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay waxaana soo gaaray 26 dhaawac oo kala duwan mudadaas.

Kooxaha ka dhisan Shiinaha ayaa wadahadalo kula jira wakiilka Bale. Waxay rabaan inay ka dhigaan xiddiga ugu qaalisan xilli ciyaareedka cusub ee Shinaha.

Real Madrid ayaa weydiisatay inta udhaxeysa 30 ilaa 40 milyan euro koox kasta oo dooneysa Bale, laakiin kooxda Shenhua ma dooneyn inay jabiyaan mid ka mid ah shuruucda kubbadda cagta Shiinaha.

Toddobaadyo kahor inta gudiga Shenhua u dhaqaaqin Bale, weeraryahanka ayaa qarka u saaran inuu lu wareeego kooxda Jiangsu Suning.

Haddii si bilaaash ah Bale u fasaxdo Madrid waxay la micno tahay inay u badbaadi doonto 34 milyan euro oo ah mushaarka sannadkiisa.