Rag u dhashay Burundi oo Shabaab ku biiri rabay oo la qabtay

Ciidamada Ammaanka ayaa dalka Kenya ayaa saakay gacanta ku dhigay Afar qof oo u dhashay dalka Burundi , kuwaa soo qorsheynaayay in ay ku biiraan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya.

Ciidamada ayaa Afartaasi qof oo watay dhalashadda Burundi ku qabtay degmada Isiolo-Marsabit  Xilli ay kusoo jeedeen Soomaaliya.

Booliska waxa ay sheegeen in xubnahaasi laga helay cadeymo muujinaya in ay u socdeen Soomaaliya,islamarkaana ay doonaayay in ay ku biiraan Al-Shabaab.

“Waxa ay ciidamada booliska ay joojiyeen Gaari u socday dhanka Soomaaliya, waxaana ay ka heleen afar qof oo u dhashay Burundi oo doonaayay in ay ku biiraan Al-Shabaab “ ayuu yiri Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.

Magacyadda raga la qabtay ayaa lagu kala sheegay Ntakarutimana Benerd, 41 sano jir ah, Niyongere Yuusuf, 32 sano jir ah Nshimirimana Fulgnce Shadady, 31 Sano jir ah  iyo Booso Abderauf, 20 jir.