Qudbado laga dhageystay Musharaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Qudbado waxa ay ka dhageysteen Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida horey loogu balansanaa.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Qudbadaha jeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

Sidoo kale waxaa xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socota Qudabaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee ku sugan xaruntaasi.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo Dhageysiga Qudbadaha Musharaxiinta, waxaana sidoo kale loo diyaar garbooyaa Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in Magaaladsa Muqdisho ay ka dhacdo 11-ka ilaa 12-ka Bishan.