Qarax ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Wadada Warshadaha gaar ahaan qeybta xigta degmada Wartanabada ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Qaraxa ayaa dhacay xalay 3:00 Habeenimo , waxaana la sheegay in jugtiisa laga maqlay Xaafadaha degmada Wartanabadda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxa waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay qarxiyeen Qaraxaasi, Halka Warar kalena ay sheegayaan in Kooxihii Qaraxaasi Aasaayay in uu ku qarxay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Agagaarka Jaamacadda SIMID.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net