Cali Xassan Axmed (Sabareey) Wasiirka maamulka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland.
Sabareey ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee October.
Waxaa uu sheegay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor,islamarkaana tilaabo laga qaadi doono.
Waxaa uu sidoo kale amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland.
Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in is diwaangalinta ka dib baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan.



