Warar kasoo baxaya dalka France ayaa sheegaya in weeraryahanka Barcelona Neymar u duuli doono France maanta oo talaado ah,
Waxaa ay sheegeen warbaahinta Qatar in ciyaaryahanka uu ka duuli doono Shiinaha islamarkaana uu gaari doono Paris sida maanta sida uu daabacayo via Doha,
Milkiilayaasha PSG eek ee ku mideysan Qatar Sports Investments ayaa goob jog ka ahaan doona goobta uu caafimaadka ku marayo islamarkaana heshiiska ku saxiixi doono Neymar.
Si kastaba ha ahaatee, saxaafadda Faransiiska ayaa sheegtay in ciyaaryahanka uu maanta gaari doono magaalada Paris ee casimada France, ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin heshiiska.
Wargeys laga leeyahay Faransiis oo lagu magcaabo Le Parisien ayaa sheegay in ciyaaryahanka ay u badan tahay maanta in uu si toos ah ugu soo duulo dalka France.
Neymar ayaa hadda ku sugan dalka China, halkaas oo uu ku gudanayo wajibaadkiisa ganacsiga, waxaana uu kasoo laaban doonaa maanta oo talaado ah.
Wararkaan la isla dhaxmarayo weli kama hadlin kooxda Barcelona oo uu ka tirsan yahay ciyaaryahan Neymar.



