Nabaddoon Caawa lagu dilay Kismaayo

Rag hubeysan ayaa caawa salaadii Maqrib kadib waxaa ay Nabadoon Caan ka ahaa deegaananda Jubbooyinka ay ku toogteen Magalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray  Saciid Adoon ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqrib.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in nabadoonka rasaasta ay ka haleeshay qeybaah sare ee jirkiisa.

Magaalada Kismaayo ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay Nabadoon si weyn looga yaqaanay Magaalada iyo degaanada maamulka Jubbaland.