Musharax Daahir Geelle oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo

Musharaxa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Musharaxiinta ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in uusan noqon kaligii talis uuna ogolaado in doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

Waxaa uu u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo in uusan dhageysan tallada dadka asaga ka cabsada laakiin aan u cabsan ee garbihiisa jooga, kuwaasoo uu sheegay in xataa aysan ka shaqeynin dantiisa, maadaama kaligii talisnimada ay asaga xataa halis ku tahay.

Waxaa uu ugu baaqay in aan maanta hogaamintiisa aan la suurad xumeyn Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana aysan taariikhdu ka qaldan oo la mid noqdo hoggaamiyeyaashii tallada kaga horeeyay oo si nabadgalyo ah xilka ku wareejiyay kadibna Magaalada dhex dhinac ka degay.

Waxaa uu tusaaleeyay sida uu taariikh liitada ugu dambeeyo kaligii talista, waxaana uu sheegay in markii uu xilka joogana uu wel wel ku nool yihiin markii uu ka degana uusan bulshada ku dhex noolaan Karin maadaama uu ahaa kaligii talis dadka taladooda diiday.

”Kali talisnimadu intaysan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta kale khatarta aysan kunoqon waxay khatar ku noqotaa qofka xilka hayo markaas”isagoo sii hadlay ayuu yiri

Waxaa uu intaasi kusii daray “Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaan u daneyneynaa sidii dadkii hore ku imaan jireen waa ku yimid sidii dadkii hore ku dagi jiren inuu ku dago baan rabnaa hadii an ku dagina dhib baa imaan karo”

Waxaa uu adkeeyay in dhammaan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha looga baahan yahay in ay wax ku raadiyaan hanaan nabdoon oo sahli kara in aysan qalqal dareemin shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwo maanta la doonaayo in la hoggaamiyo sidoo kalena hoggaamiyeyaasha tallada hayana laga doonaayo ka shaqeynta hanaan nabadoon.

Daahir Maxamuud Geelle oo horay Wasiir laba jeer u soo noqday, Xildhibaan iyo Safiir ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta fara kutiska ah ee ka tagay la shaqeynta Madaxweyne Farmaajo ka dib markii uu iska diiday in loo adeegsado hanaan buunbuunin oo ka baxsan hanaanka dowladnimada.