Mourinho oo ka hadlay mustaqbalka Pogba

Jose Mourinho ayaa si buuxda kaga hadlay wax ku saabsan mustaqbalka Paul Pogba, isagoo carabka ku adkeeyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United uu marnaba u sheegin inuu doonayo inuu baxo.

Pogba ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu u sheegay gudoomiye kuxigeenka kooxda Ed Woodward inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford, iyadoo Barcelona kamid aheyd kooxaha lala xiriirinayay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa si aad ah ugu dhibtooday nolosha England tan iyo markii uu kusoo laabtay sanadkii 2016kii.

Kabtankii hore ee kooxda Manchester United Gary Neville ayaa sheegay in taageere ahaan uu ku faraxsanaan lahaa inuu arko 25 jirkaan oo sameyn badan ku yeesha United, laakiin Mourinho ayaa sheegay in ciyaaryahanka ku guuleystay Koobka Adduunka uusan waligiis u sheegin inuu doonayo inuu baxo.

Bortuqiiska hogaamiya United ayaa yiri: “Paul ayaa dib usoo laabtay ka dib Koobkii Adduunka ka hor inta uusan bilaaban horyaalka Premier League, sidaasi darteed waxaan wada joognaa muddo labo bilood ah.

“Weligey iima sheegin inuu doonayo inuu baxo, Sidaa darteed, waxaan kaliya ka faalloon karaa waxa dhabta ah ee aniga aan ogahay, ma ahan waxa aan akhriyay, mana ahan wax aan dhageystay.

“Anigu ma ihi qof aqriya qoraalada dadka kale ama dhegeysta” ayuu yiri tababaraha Manchester United Jose Mourinho.