Maxaa looga hadlaya kulanka Golaha Shacabka ee Berri?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri taariikhduna ku beegan tahay 28/10/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Akhrinta 2aad ee Wax ka Badelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Sharciga Tirakoobka ( Statisticada)

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa Caawa lagu wargeliyay in berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Kulankaan ayaa noqon doonaa kulankii 5-aad ee Kalfadhiga 6-aad Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku jiray bilihii lasoo dhaafay.