Mareykanka oo kordhinaaya Weerarada uu ku qaadaayo Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga  Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay doonayso in ay sare u qaado dagaalada iyo sidoo kale Weerarada lagu qaadaayo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee howlgala Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab , waxaana uu sheegay in taasi ay timid ka dib markii ilaha Sirdoonka dowladda Mareykanka ay soo gudbiyeen Khataro badan oo kusoo wajahan Mareykanka oo ay maleegayaan Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka dowladda Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa u baahan in uu  ogolaansho ka helo Madaxweynaha dowladda Mareykanka si ay u kordhiyaan dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda Mareykanka laga doonaayo in bixiyo ogolaansho ku aadan kordhinta weerarada lagu qaadayo Al-Shabaab.

Thomas Waldhauser, oo ah Madaxa Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid ah tahay meelaha u baahan in la kordhiyo  Weerarada lagu qaadayo  Argagixisada.

“ Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka Qaarada Afrika , waxaana dalka ugu adag ee aan ka fulino Weerarada aan ku beegsaneyno Argagixisada” ayuu yiri  Thomas Waldhauser.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha dagaalka kula jira Al-Shabaab , waxaana inta badan ay beegsataan goobaha Fariisinka u ah Xarakada Al-Shabaab.