Madaxweyne Ruto oo Soomaaligi ugu horreeyey u magacaabay hay’adda NIS

Madaxweynaha dalka Kenya Ruto ayaa wiil uu dhalay Yuusuf Xaaji u sharaxay agaasimaha hay’adda Sirdoonka Kenya ee NIS.

Niuridiin Yusuf Xaaji oo loo sharaxay xilka agaasimaha NIS ayaa noqonaya Soomaaligi ugu horreeyey ee xilkaas qabta haddii Baarlamaanka Kenya ansixiyo.

Nuurudiin ayaa bedeli doona Philip oo xilkaan soo haayey tan iyo 2014.