Liverpool oo sii dheerreysatay hooggaanka EPL

Liverpool ayaa hoogaanka horyaalka Premier League sii dheerreysatay ka dib markii ciyaar goor dhow soo idlaatay ay ka adkaadeen kooxda Wolves.

Reds ayaa hadda u jirta Man City oo kusoo xigta farqi dhibco oo afar gaaraya.

Qaybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqaddii 18-aad, waxaa goolka koowaad Liverpool u dhaliyay Mohamed Salah, ka dib caawinaad uu ka helay Fabinho.

Natiijo 1-0 ayaa lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana Wolves ay muujineysay qaab ciyaareed cajiib ah.

Markii dib la isugu soo laabtay, keliya gool kale ayaa Liverpool kaga filnaaday inay garaacaan kooxda Wolves.

Mohamed Salah oo habeen wacan ku jiray ayaa goolka labaad ee Liverpool ka caawiyay Virgil Van Dijk daqiiqaddii 68-aad.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 oo ay kooxda Macallin Jurgen Klopp guul ku qaatay.