Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ugu dambeyn dooneyso inay soo gabagabeyso saxiixa goolhayaha kooxda AS Roma ee Alisson Becker.
Tan iyo bilawgii furitaanka suuqa kala iibsiga ayay kooxda Reds ayaa dar dar gelineysa soo qaadashada laacibkan iyadoo isku dayo badan sameyneyso.
Liverpool ayaa u gudbisay dhiggeeda qiimo dhan £61.8m oo lagu daray gunnooyin si ay kaga soo qaataan goolhaya Brazil.
Sidoo kale kooxda ka dhisan Mersyside-ka ayaa u bandhigtay 25-jirkan mushaar dhan £102,000 toddobaadkii.
Wakiilka Alisson ee Stefano Castagna ayaa u gudbiyay Giallorossi faahaafahinta dalabka naadiga reer England.