Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu ku dhawaaqay in uu cafis u fidiyey Ciidamada Korneyl Caare oo mar kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Somaliland balse ka goostay dagaalna la galay.
Korneyl Caare oo ku sugan gobolka Sanaag oo la hadlay Warbaahinta ayaa Jawaab ka bixiyay Hadalka Madaxweynaha, waxaana uu sheegay Odayaasha uu la kulmay in aysan matalin oo uu sii wadi doonto dagaalka.
Korneyl Caare ayaa tilmaamay in uu si weyn uga soo horjeeddo Hanaanka hadda uu wax ku waddo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Muuse Biixi oo Maanta Hargeysa kula kulmay Guddi dhex-dhexaadin ahaa oo u badnaa Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo uu hoggaaminayay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa sheegay in dhamaan uu cafiyey ciidamada Korneylka ka barbar dagalaalamay,hayeeshee uu shuruud ku xiray in korneylka ay Cafinayaan.



