Kooxo hubeysan oo Wariye ku dilay Afgooye

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka iyo Xarumihii uu ka shaqeynaayay Kooxo hubeysan ayaa ku dilay degmada Afgooye Wariye Cabdi Wali Cali Online.

“Kooxo Hubeysan ayaa Goordhaw ku Dilay Dagmada Afgooye Wariye Cabdi Wali Cali Online oo ahaa Wariyahii Tvga Universal ee Gobolka Shabeelaha Hoose” ayaa lagu sheegay war lagu daabacay Bogga Tv-ga Universal oo uu ka howlgalayay.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Wariyaha uu soo gaaray dhaawac halis ah.