Kooxda Manchester United oo kabtan cusub magacaabatay

Manchester United ayaa ku dhawaaqay in calaamadda hoggaaminta ee kabtannimo ay gacanta u galisay Michael Carrick, kaddib markii kabtankii kooxda ee Wayne Rooney uu isaga tagay kuna biiray Everton.

Kabtankii mudada dheer u adeegayey Man United ee Rooney ayaa dib ugu laabtay kooxdii uu ku soo barbaaray ee Everton, isagoo soo gabagabeeyey 13-sanadood oo uu joogay garoonka Old Trafford.

Mustaqbalka Carrick ee kooxda Man United ayaa shaki la galiyey waxaana la warinayey inuu xagaagan isaga tagi doono kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga xiddigaha, laakiin macallin Jose Mourinho ayaa ka saxiixday heshiis hal sano ah oo uu ku sii joogo doono Old Trafford bishii May, isaga ayaana hoggaamin doona kooxda xilli ciyaareedka soo socda.

Man United ayaa ugu hambalyeysay xiddigan qibradda leh ee Carrick kabtannadimada kooxda, isagoo xidigan reer England uu qudhiisu farxad ka muujiyey xilkaan cusub maadaama maanta laga bilaabo uu noqonayo kabtanka kooxda Man United.