Kooxda mintidka ah ee la baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo Axaddii ka dhacay caasimadda Kapul ee dalka Afqaanistaan.
Weerarkan oo lala beegsaday dhismo ay leedahay dowladda Afqaanistaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan toddobo qof.
Qofka ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay shaqaale ka sii baxayay dhismaha wasaaradda horumarinta dhulka miyiga.
Kooxdani dowladda Islaamka la baxday ayaa sidoo kale dhismahani weerartay bishii la soo dhaafay.
Weerarkani ayaa ahaa kii ugu dambeeyay weerarro taxane ahaa oo in dhawaale lala beegsanayay magaalada Kaabuul iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi Afqaanistaan.
Kal hore, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in lixdii bilood ee ugu horreysay saandkan ay aad u korartay tirada dadka rayidka ah ee reer Afqaanistaan ee ku dhintay colaadda dalkaasi.
Sida lagu sheegay xog ay shaacisay Qaramada Midoobey, 1692 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay rabshadaha dalkaasi ka dhacayay tan iyo billowgii sanadkan.