Kooxda Barcelona oo baadi goob ugu jirta daafac midig

Kooxda Barcelona ayaa suuqa ka raadineysa daafac ka ciyaara garabka midig , waxaana markan ay raadinayaan daafaca dambeedka midig ee kooxda Las Palmas.

Majalada Marca ayaa ku warameysa in kooxda Barca ay bartil maameedka koowaad ka dhigatay ciyaar yahan Michel Macedo oo uciyaara Las Palmas.

Kadib markii uu Aleix Vidal gaaray dhaawac uu garoomada kaga maqnaanayo inta ka harsan xilli ciyaareedkan waxaa ay Barca dooneysaa inay hesho daafac kale oo booskaas ka ciyaara.

Michel Macedo ayaa xilli ciyaareedkan kooxdiisa kasoo muuqday 19 kulan , balse kooxda Las Palmas weli kama hadlin xiisaha kooxda Barcelona ee ku aadan xidigooda.