Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu Wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka bilaabato Hadaljeedinta Ama khudbad jeedinta Musharaxiinta doonaya in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya qaarkood.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta Guddigu ay qaban doonaan shaqo weyn , islamarkaana xildhibanada ay dhageysan doonaan Khudbadaha Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Xusay in dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta ay soconayaan Muddo ku siman 3 Maalmood oo kala ah Khamiis , Sabti iyo Axad.
Khudbadjeedinta ayaa Bilaabaneysa Marka ay Saacaddu ay tahay 9:00 Subaxnimo.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa Rajo fiican ka muujiyay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo sideeda Bishaan oo ku beegan Arbacadda Soo socota.


