Saddex qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay koofurta dalka Spain, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka.
Qarax xoog leh ayaa ka dhacay warshadda Guadix waxaana laga dareemay goobta uu Qaraxu ka dhacay gariir badan oo sameeyay Magaalada oo dhan,taasoo sababtay in dad ka badan 2,000 oo qof ay u baahdaan gargaar deg deg ah.
Saddexda qof ee ku dhaawacmay qarxaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka, si loogu daweeyo, sida uu yiri masuul ka tirsan gurmadka deg dega ah.
Waxaa ku jiray lix qof oo kaliya Warshadda xilligii uu qaraxu dhacaayay, waxaana sarkaal u hadlay gobolka dhibaatada ka dhacday, uu sheegay in ay baari doonaan sida uu ku dhashay qaraxaan.