Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, dagaal u dhaxeeyay Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya ayaa ka dhacay Magaaladaasi.
Ciidamo Shabaab ka tirsan ayaa soo qaaday dagaalkaan, waxayna beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee Howlgalka AMISOM ka tirsan.
Dagaalkaan oo ku bilowday qoryaha garabka laga rido oo lagu tuuray fariisimada Ciidamada Itoobiya ayaa la isku adeegsaday hub culus oo dhawaqiisa laga maqlaayay xaafaddaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Saraakiisha Ciidamada Milateriga Degmada Baardheere ayaa sheegay in dagaalkaasi Ciidamada AMISOM uusan wax khasaare ah ka soo gaarin, sidoo kalena ay carareen Shabaabkii dagaalka soo qaaday.
Waxa ay sheegeen Saraakiisha iminka inay ku daba jiraan raadadka dagaalyahanada Shabaab ee saaka weerarka ku soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen dagaalkaasi inay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya ee Saldhiga Millateri ku leh Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere.


